Tababaraha Manchester City, Pep Guardiola, ayaa mar wax laga weydiiyay waxa uu Erling Haaland ku soo kordhiyay kooxdiisa oo aanay ciyaartoydii hore u soo marin ku soo kordhin, wuxuu ku jawaabay: “Waxaan la soo shaqeeyay Lionel Messi…”
Guardiola ayaa hore u sheegay in inkastoo Haaland uu yahay weeraryahan cajiib ah, haddana aanu weli gaadhin heerka Messi, maadaama uu ku tiirsan yahay saaxiibadiisa kooxda si ka badan sida Messi uu ugu tiirsanaa.
Sidoo kale, Guardiola ayaa tilmaamay in Haaland uu leeyahay rabitaan goolal oo la mid ah kan Messi, balse wuxuu ka digay in la isbarbar dhigo labada ciyaartoy, maadaama Messi uu yahay ciyaaryahan dhamaystiran oo aan la barbar dhigi karin Cid kale.
Intaa waxaa dheer, Guardiola ayaa sheegay in Haaland uu u qalmo ku guuleysiga abaalmarinta Ballon d’Or, laakiin sidoo kale Messi uu u qalmo, taasoo muujinaysa in labada ciyaartoy ay yihiin kuwa heer sare ah.
Guardiola ayaa sidoo kale xusay in Haaland uu yahay ciyaaryahan had iyo jeer faraxsan, taasoo ka duwan Messi, laakiin wuxuu carabka ku adkeeyay in mid kasta uu leeyahay qaab ciyaareed u gaar ah.
Taageerayaal badan oo Manchester City ah ayaa u arkay jawaabta guardiola mid ku dheehan yasmo iyo aflagaaddo.