Tababaraha Manchester City, Pep Guardiola, ayaa sheegay in haddii kooxdiisu ku guuldarreysato inay u soo baxdo Champions League xilli ciyaareedka soo socda, aysan noqon doonin musiibo, isagoo qiray in kooxaha kale ay u qalmaan boosaska sare haddii City aysan soo bixin.
Manchester City ayaa xilli ciyaareedkan wajahaysa caqabado waaweyn, iyadoo laga reebay Champions League kadib guuldarro 6-3 ah oo ay kala kulmeen Real Madrid, taasoo calaamad u ah hoos u dhac ku yimid kooxda.
Guardiola wuxuu qirtay in kooxdiisu ay halis ugu jirto inay seegto u soo bixitaanka Champions League xilli ciyaareedka soo socda, isagoo yiri: “Hadda, waxaan halis ugu jirnaa inaanan u soo bixin Champions League… dabcan xaaladda ayaa inagu cakiran! Waa inaan helnaa dhibco oo aan badinnaa ciyaaraha, si kale uguma soo baxeyno Champions League!”
Tababaruhu wuxuu sidoo kale sheegay in u soo bixitaanka Champions League uu yahay mid aad muhiim u ah, inkastoo uusan u arkin guul weyn: “Haa,” ayuu yiri mar la weydiiyay haddii u soo bixitaanka Champions League uu la mid yahay ku guuleysiga koob.
Manchester City ayaa hadda diiradda saareysa inay ku dhammeysato afarta sare ee Premier League si ay u xaqiijiso ka qeybgalka Champions League xilli ciyaareedka soo socda, iyadoo sidoo kale tartanka FA Cup uu weli furan yahay.
Guardiola wuxuu qiray in kooxdiisu aysan hadda ahayn mid looga cabsado sidii hore, isagoo sheegay in ciyaartoydu aysan hadda ka baqin inay la ciyaaraan Manchester City, gaar ahaan garoonka Etihad.
Si kastaba ha ahaatee, Guardiola wuxuu ku adkeystay in haddii ay dhacdo inaysan u soo bixin Champions League, aysan noqon doonin dhammaadka adduunka, isagoo qiray in kooxaha kale ay u qalmaan boosaska sare haddii City aysan soo bixin