Tababaraha Manchester City, Pep Guardiola, ayaa ka hadlay xaqiijinta booska UEFA Champions League ee xilli-ciyaareedka soo socda, isagoo si kaftan ah u sheegay in guushaasi aysan keeni doonin wax dheeraad ah oo abaalmarin ah.
Manchester City ayaa si adag u dagaallameysa si ay u xaqiijiso ka mid noqoshada afarta sare ee Premier League, taasoo dammaanad u noqon doonta in kooxda Pep Guardiola ay mar kale tartanto koobka ugu sareeya Yurub.
Guardiola, oo la hadlayay warbaahinta, ayaa yiri:
“Haddii aan xaqiijino booska Champions League, ma heli doono wax gunno ah. Markii aan ku guuleysto Premier League, waxaan helaa gunno. Markaan ku guuleysano Premier League, waxaan helaa gunno. Hadda ma heli dooni. Sidaas darteed, guulahaas waa kuwo noo muhiimsan.”
Hadalkan ayaa muujinaya in Guardiola uu diiradda saarayo hanashada horyaalka, maadaama ay gunno lacageed ugu xiran tahay, halka xaqiijinta booska Champions League aysan u ahayn mid lagu abaalmariyo.
Manchester City ayaa wali dagaal ugu jirta hanashada horyaalka Premier League iyo FA cup, iyadoo la filayo in kulamo adag ay sugayaan kooxda.