Pep Guardiola ayaa aad u careysnaa ka dib ciyaartii ay Manchester City garaacday Chelsea.
City ayaa 1-0 ku garaacday Chelsea ciyaartii semi-finalka FA Cup ka dib markii uu goolka guusha u dhaliyay Bernando Silva daqiiqadii 84aad.
Guushaan waxay keeneysaa in City ay finalka ku sugto kooxdii maanta badisa Manchester United iyo Coventry City.
Si kastaba, Guardiola ma uusan faraxsaneyn markii uu bixinayay wareysiga ciyaarta ka danbeeya isagoo ka hadlay sida uu uga careysan yahay waqtiga la ciyaaray kulankii shalay.
Waxa uu hadalkiisa ku bilaabay: “Ma ahan wax la aqbali karo in maanta nala ciyaarsiiyay. Waa wax aan suurtogal aheyn, uma fiicna caafimaadka ciyaartoyda. Waa wax qeyrul caadi ah. Waa wax aan la aqbali karin.
“120 daqiiqo, dareenkii Madrid, qaabkii aan u guuldareysanay, ma aheyn inaan maanta dheelno. Waan ogahay in wadankaan uu qiimo u leeyahay FA Cup laakiin waxaan ka hadleynaa caafimaadka ciyaartoyda. Ma garanayo qaabkii aan u badbaadnay maanta.
“Ma kula tahay in dalbashadeyda ay isbedel keeni karto? Awooda kaliya aan leeyahay waa inaan halkaan wax ka iraahdo. Maxaa diidayay inaan berri dheelno. Chelsea, Manchester United iyo Coventry ma aysan ciyaarin bartamihii isbuuca.
“Wax badan ayaan ka fekeray. Waxaan xusuustaa labo xilli ciyaareed ka hor, waxaan la ciyaarnay Dortmund habeen Arbaco. Waxaan Sabtidii ku xigtay la dheelnay Liverpool semi-finalka FA Cup. Waxay nagu hogaaminayeen 3-0 qeybtii hore. Way na burburiyeen.”