Ciyaaryahanka khadka dhexe ee xulka qaranka Spain iyo kooxda Barcelona, Pedri, ayaa muujiyay kalsoonida uu ku qabo xulkiisa ka hor kulanka afar-dhammaadka UEFA Nations League ee ay la ciyaarayaan Faransiiska. Isagoo ka hadlayay dareenkiisa, Pedri wuxuu yiri: “Ma ahan inaan ka baqno Faransiiska. Waxaan nahay kooxda difaacaneysa koobkan.waa inaan cashar lama illaabaan ah u dhignaa france.awood waa inaan muujinaa .”
Pedri ayaa sidoo kale amaanay saaxiibkiis da’da yar, Lamine Yamal, oo bandhig cajiib ah sameeyay intii lagu jiray tartanka. Yamal, oo 17 jir ah, ayaa dhaliyay gool muhiim ah kulankii Netherlands, isagoo noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee gool ka dhaliya heerka bug-baxa ee Nations League. Pedri wuxuu yiri: “Lamine Yamal waa ciyaaryahan layaab leh. Awooddiisa gooldhalinta waa mid muuqataa, waxaana sii kordhaya horumarkiisa.”
Kulanka soo socda ee Spain iyo Faransiiska ayaa la filayaa inuu noqdo mid xiiso leh, maadaama labada xul ay yihiin kuwo awood badan oo leh ciyaartoy tayo sare leh. Taageerayaasha kubadda cagta ayaa isha ku haya sida ay Spain u difaacan doonto horyaalnimadeeda iyo sida ciyaartoyda da’da yar sida Yamal ay u saameyn doonaan natiijada ciyaarta.
Tababaraha xulka Spain, Luis de la Fuente, ayaa sidoo kale muujiyay kalsoonida uu ku qabo ciyaartoydiisa, isagoo sheegay in kooxdu ay diyaar u tahay inay la tacaasho caqabad kasta oo soo wajahda. Isagoo ka hadlaya horumarka Yamal, de la Fuente wuxuu tilmaamay in ciyaaryahanka da’da yar uu leeyahay mustaqbal ifaya oo uu noqon karo mid ka mid ah xiddigaha ugu waa weyn kubadda cagta adduunka.
Iyadoo Spain ay isku diyaarineyso kulanka adag ee Faransiiska, taageerayaasha ayaa rajeynaya in ciyaartoyda sida Pedri iyo Yamal ay sii wadaan bandhiggooda cajiibka ah, taasoo ka caawin karta xulka inay gaaraan finalka oo ay difaacdaan koobkooda.