Ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Barcelona, Pedri González, ayaa muujiyay rabitaankiisa ah in uu guulaha kooxdiisa ka hormariyo abaalmarinta shaqsiga ah ee Ballon d’Or.
Intii lagu jiray soo bandhigidda buuggiisa carruurta ee ‘Pedri y la leyenda de las botas de oro’ ee ka dhacday magaalada Barcelona, Pedri ayaa sheegay in uu doorbidayo in uu ku guuleysto saddexleyda koobabka (La Liga, Copa del Rey, iyo Champions League) halkii uu heli lahaa Ballon d’Or.
Wuxuu yiri: “Waa inaan diirada saarnaa guulaha kooxda; marka aad guulo la gaarto kooxdaada, abaalmarinnada shaqsiga ah way imaanayaan.”
Pedri ayaa sidoo kale muujiyay rajo weyn oo ku aaddan mustaqbalka kooxda Barcelona, isagoo xusay in ay tahay in ay si weyn u fikiraan maadaama ay yihiin koox dhalinyaro ah. Wuxuu yiri:
“Waa inaan si weyn u fikirnaa; waxaan nahay dhalinyaro, waxaana leenahay riyooyin waaweyn.”
Sidoo kale, xiddiga Barcelona ee Gavi ayaa horey u taageeray saaxiibkiis Pedri, isagoo sheegay in uu u qalmo Ballon d’Or. Gavi wuxuu yiri:
“Aniga ahaan, Pedri wuxuu u qalmaa Ballon d’Or.”
Hadalladan ayaa muujinaya sida Pedri uu diiradda u saarayo guulaha kooxdiisa, isagoo rumeysan in guulahaas ay horseedi doonaan abaalmarinnada shaqsiga ah mustaqbalka.