Paul Scholes ayaa weerar ku qaaday labada xididg ee Manchester United sababo la xiriira dharkii ay xirnaayeen tababarkii shalay.
Qoraal iyo sawir uu soo dhigay Instagram oo haatan la tirtiray yauu xiddigii hore ee Man United ku weeraray Kobbie Mainoo iyo Alejandro Garnacho.
Ciyaartoyda Man United ayaa tababar sameynayay shalay iyagoo isku diyaarinaya kulanka Sabtida ay la ciyaarayaan Bournemouth ee horyaalka Premier League.
Iyadoo roob uu ka da’ ayay garoonka tababarka Carrington, Mainoo iyo Garnacho ayaa isku xirtay koofiyado iyo gacmo gashi.
Laakiin Scholes ayaa si qariib ah uga xanaaqay inuu arkay labada ciyaaryahan oo koofiyada jaakadooda gashaday.
Waxa uu sawirka labada xiddig soo dhigay Instagram isagoo soo raaciyay qoraal carro ay ka muuqatay: “Waxba uma arko koofiyadaha iyo gacmo gashiga laakiin ma jirto hab aad tababar ku sameyn karto adigoo gashan koofiyada jaakadaada.
“Dhaqanka wanaagsan wuxuu ka soo bilowdaa garoonka tababarka …. macsalaama”.
Inkastoo lagu canaantay dharkii ay ku xirnaayeen tababarka, labada da’ yar ayaa ah nuurka kaliya ee ka soo baxaya Man United xilli ciyaareedkan.
Mainoo ayaa sannadkan wacdarro dhigaya isagoo durbaba qasab ku galay xulka England ka hor ciyaaraha Qaramada Yurub.
Garnacho ayaa isna dhaliyay sagaal gool tartamada oo dhan kaliya Rasmus Hojlund ayaa ka goolal badan.