Paul Pogba ayaa ka baxay aamusnaantiisa ka dib markii lagu soo rogay ganaax afar sano ah iyadoo lagu helay danbi ah inuu isticmaalay daroogada kobcisa jirka.
Dabayaaqadii Agoosto 2023kii, Pogba, oo ahaa beddel aan la isticmaalin, ayaa si baqtiyaa nasiib ah loogu doortay in la baaro ka dib markii ay Juventus 3-0 kaga badisay Udinese kulan ka tirsanaa horyaalka Serie A.
Bishii Sebtembar, xiddiga Faransiiska ayaa si ku-meel-gaar ah ciyaaraha looga joojiyay ka dib markii kaadidiisa laga helay maado testosterone ah oo kordhisa adkeysiga ciyaartoyda.
Subaxnimadii Khamiista, ayaa la shaaciyay in Pogba ciyaaraha laga mamnuucay muddo afar sannadood ah.
Guddigii gaaray go’aanka ganaaxa ayaa sheegay inay rumeysan waayeen in Pogba uu daroogada u qaatay si kama ah, taasoo aheyd wixii ay ku doodayeen qareenadiisa.
Paul Pogba ayaa ka hadlay markii ugu horeysay in ciyaaraha laga mamnuucay muddo afar sannadood ah isagoo yiri:
“Waxaa maanta la igu wargeliyay go’aanka maxkamadda Nazionale Antidoping, waxaana aaminsanahay in xukunku uu yahay mid qaldan.
“Waan ka murugooday oo ka naxay kana qalbi jabay iyo wax walba oo aan shaqeystay waayaheygii ciyaareed in la iga qaaday.
“Marka aan ka xoroobo xannibaadaha sharciga sheekada runta ah ayaan soo bandhigi doonaa, laakiin waligay si ula kac ah ama ogaansho ah uma qaadan dawooyin ku xad-gudbaya xeerarka ka hortagga daroogooyinka mamnuuca ah isboortiga.
“Ciyaaryahan ahaan waligay ma qaadan wax kor ugu qaadaya waxqabadkayga aniga oo isticmaalaya walxaha mamnuuca ah, waligayna ma khiyaamayn ciyaartoyda iyo taageerayaasha kooxihii aan u soo ciyaaray ama kuwii aan ka soo horjeeday.
“Natiijada go’aanka lagu dhawaaqay maanta, waxaan ka qaadan doonaa racfaan oo aan u la tagayo Maxkamadda Xalinta Khilaafaadka Ciyaaraha.”
Ilaa hadda, Pogba waxa uu saftay in ka badan 400 ciyaarood xirfadiisa ciyaareed, isagoo u soo ciyaaray kooxaha Manchester United iyo Juventus, wuxuuna dhaliyay 73 gool.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa sidoo kale kula guuleystay Koobka Adduunka France sannadii 2018kii.