Weeraryahanka xulka Nigeria, Victor Osimhen, ayaan xiiseynayn inuu ku biiro kooxda waaweyn ee Serie A, Juventus, sida ay ku warantay DAILYMAIL.
Osimhen ayaa la sheegay inuu ka mid yahay xiddigaha Juventus bartilmaameedsanayso suuqa kala iibsiga xagaagan. Si kastaba ha ahaatee, 26-jirka ayaa doorbidaya inuu u wareego koox ka dhisan Premier League, sida uu xaqiijiyay JuveFC.
Weeraryahankan awoodda badan ayaa Napoli kaga biiray Galatasaray heshiis amaah ah bishii September ee la soo dhaafay. Osimhen waxa uu heli karaa koox cusub xagaagan, iyadoo lagu heli karo lacag dhan €75m.
Kooxaha Chelsea, Manchester United iyo Arsenal ayaa lala xiriirinayaa saxiixiisa.
Osimhen ayaa xilli-ciyaareedkan bandhig cajiib ah ka sameeyay horyaalka Turkey, isagoo u dhaliyay 22 gool 24 kulan oo uu u saftay Galatasaray.