Xidiga khadka dhexe ee kooxda Arsenal Martin Odegaard ayaa dib u dhac ku yimi kasoo kabashadiisa dhaawacii kasoo gaadhay canqowga.
Con Harrison oo ah suxufi kasoo warama wararka Arsenal ayaa bartiisa Twitterka ku baahiyey in Odegaard uu dib u dhac soo kabasho la kulmay oo uu dhaawac ku maqnaan doono ilaa bisha December.
Captainka Arsenal ayaa markii hore la qiyaasayey inuu garoomada ka maqnaan doono muddo 8 isbuuc ah ugu badnaan ayaa dib u dhacan uu la kulmay kadib la sheegay inuu garoomada ka maqnaan doono ilaa December.
Con Harrison ayaa sidan ku qoray Twitter” Martin Odegaard ayaa la kulmay dib u dhac soo kabashadiisa, waxaana la filayaa inuu garoomada ka maqnaan doono ilaa bisha December”.
Dhaawaca Odegaard ayaa loo arkayey inuu Arsenal ku yahay dib u dhac weyn, laakiinse xidigaha Kai Havertz iyo Leandro Trossard ayaa si weyn u buuxiyey booskiisa isbuucyadii uu dhaawaca ku seegay.