Xiddiga Liverpool Darwin Nunez ayaa laga yaabaa inuu helo waddo uu uga tagi karo Anfield uguna biiri karo kooxaha Yurub.
Sida laga soo xigtay The Sun, weeraryahanka Liverpool Darwin Nunez ayaa bartilmaameed u ah kooxda weyn ee La Liga, Barcelona.
Xiddiga caalamiga ah ee reer Uruguay ayaan ku faraxsaneyn nolosha Anfield, kadib markii tababaraha Dutch-ka ah uu door biday inuu mudnaanta koowaad siiyo Diogo jota.
Nunez ayaa kaliya hal kulan ku bilowday horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan, waxaana xaddidaadda waqtigiisa ciyaarista ay ku qasbeysaa inuu isaga hayaamo kooxda Merseyside.
Barcelona ayaa horey u qorsheynaysay inay u dhaqaaqdo weeraryahanka Manchester City Erling Haaland.Si kastaba ha ahaatee, haddii aysan ku guuleysan inay la saxiixdaan xiddiga reer Norway, waxay markaas diiradda saari doonaan inay lasoo wareegaan Nunez.
Weeraryahanka Liverpool ayaa ku dhibtoonaya Anfield tan iyo markii uu lacag badan uga soo wareegay Benfica, balse xilli ciyaareedkan xaaladdiisu way kasii dartay.
Slot ayaa si cad u muujiyay in Nunez uusan ka mid ahayn qorshihiisa safka hore ee kooxda.
Nunez wuxuu ku qasban yahay inuu ku qanacsanaado doorka kaydka, balse isaga ma doonayo inuu taas aqbalo wuxuuna hadda xiiseynayaa inuu ka tago kooxda liverpool oo uu ku biiro hoggaamiyeyaasha La Liga.
Wuxuu noqday ciyaaryahankii ugu dambeeyay ee wajahaya mustaqbal aan la hubin oo ka tirsan kooxda Liverpool kadib Trent Alexander-Arnold, Mohamed Salah, iyo Virgil Van Dijk.