Nico Williams ayaa u sheegay xiddiga Barcelona Lamine Yamal inuu u saxiixi doono Arsenal xagaagan, sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday Spain.
Xiddiga Athletic Club Nico ayaa muddo dheer lala xiriirinayay inuu u wareegayo Gunners, oo bilihii la soo dhaafay xiiso gooni ah u qabtay, iyagoo raadinaya fursado ay ku xoojiyaan weerarkooda.
FootballTransfers ayaa shaaca ka qaaday bishii December in tababaraha Arsenal Mikel Arteta uu diyaar u yahay inuu bilaabo dalab 58 milyan oo euro oo uu ku qaadanayo laacibkaan suuqa xagaaga.
Nico Williams ayaa go’aansaday inuu ka tago Athletic, waxaana uu doonayaa inuu xirto maaliyada Gunners.
22-sano jirkaan ayaa u sheegay saaxiibka ugu dhow ee Lamine Yamal qorshihiisa suuqa kala iibsiga ee xagaaga.
Warbixinada kasoo baxaya Spain ayaa shaaca ka qaadaya in Nico uu si cad ugu yiri Yamal, waxaan ku biiri doonaa Arsenal suuqa xagaaga, warkaan oo farxad galinaya jamaahiirta Gunners.