Xiddiga kubadda cagta ee reer Brazil, Neymar, ayaa muujiyay taageeradiisa ku aaddan in Vinicius Junior ku guuleysanayo abaalmarinta Ballon d’Or 2024. Wuxuu aaminsan yahay in xiddigaas uu mudan yahay abaalmarinta qaaliga ah sababo uu ku sheegay xilli ciyaareedkiisii cajiibka ahaa iyo adkeysigiisa nolosha oo dhan.
Taageerada Neymar ayaa timid iyadoo Vinicius uu noqday mid ka mid ah musharaxiinta ugu cadcad ee abaalmarintan oo la shaacin doono 28-ka Oktoobar.
Vinicius Junior iyo Rodri ayaa loo arkaa inay yihiin labada ciyaaryahan ee ugu cadcad abaalmarintan. Halka Vinicius uu door muhiim ah ka qaatay inuu Real Madrid ku hogaamiyo hanashada La Liga iyo Champions League. Rodri wuxuu qeyb weyn ka qaatay hanashada Man City ee horyaalkii afaraad oo isku xiga.Sidoo kale wuxuu door ka qaatay ku guuleysiga xulka Spain ee Euro 2024.
Horay, Ederson oo ay isku xul yihiin Vinicius ayaa sidoo kale taageero u muujiyay Vini si uu ugu guuleysto abaalmarinta. Neymar ayaa ku adkeystay in Vinicius uu soo bandhigay ciyaaro heersare ah isla markaana uu u qalmo hanashada Abaalmarintan.Wuxuu xusay in sababta uu u mudan yahay Vini abaalmarinta Ballon d’Or ay tahay bandhigiisa sare ee joogtada ah.
Sida lagu sheegay Mundo Deportivo, Neymar ayaa amaanay xilli ciyaareedkii guusha lahaa ee Vinicius, isagoo rajeynaya in ciyaaryahanka uu abaalmarinta u keeno Brazil. Neymar wuxuu carabka ku adkeeyay safarka nolosha ee Vinicius, isagoo ka soo baxay nolol adag isagoo ka sare maray filashooyinka dadka ka qabeen xirfaddiisa kubadda cagta.
Haatan, Vinicius ayaa dhaawac u jiifa kadib markii ay jug ka soo gaartay qoorta ciyaartii ugu dambeysay ee La Liga uu Real Madrid la ciyaartay Villarreal. Lama oga inuu ka soo kabsado dhaawaca kahor kulanka xiga ee kooxda ay la ciyaari doonto Celta Vigo Sabtida.