Tan iyo markii laga ceyriyay shaqada tababaranimo ee Barcelona dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore, Xavi Hernandez waxa uu ku raaxaysanayay waqti ka baxsan kubada cagta.
Inta lagu guda jiray waqtiga uu nasiinada kujiro, waxaa lala xiriiriyay dhowr kooxood, iyadoo kooxda ugu caansan ay tahay Manchester United, oo ceyrisay Erik ten Hag horaantii isbuucaan.
Xavi ma heli doono shaqada Man United sida la filayo, Ruben Amorim ayaa ku guuleystay, laakiin shaqo kale oo sare oo Yurub ah ayaa laga yaabaa inuu wali heli karo.
Sida laga soo xigtay majalada Barca Reservat, AC Milan ayaa muujisay xiisaha ay u qabto inay u magacawdo Xavi tababare cusub kadib xaalada xun ee Paulo Fonseca, kaasoo haatan cadaadis weyn ku hayo San Siro.
Si kastaba ha ahaatee, Xavi oo waqti nasiino ah kula raaxeysanaya qoyskiisa ma qaban karaa shaqada AC Milan waa su,aal jawaab u baahan.
AC Milan ayaa xaalad xun oo isku qasan ku bilaabatay Serie A xili ciyaareedkaan, waxaana kooxdu ay u baahan tahay dhiig joojin deg deg ah. Balse Xavi oo qaabkii aan ogeyn kaga tagay Barcelona ma badbaadin karaa?