Wararka ka imaanaya Talyaaniga ayaa sheegaya in Victor Osimhen uu dhamaystirayo heshiiska kooxda Saudi Arabia ee Al-Ahli, kaas oo Napoli siin doonta €80 milyan oo Yuuro oo lagu daray waxyaabo kale.
Xiddiga Napoli Osimhen ayaa qarka u saaran inuu ku biiro kooxda Saudi Al-Ahli heshiis ku kacaya €80m oo lagu daray waxyaabo dheeri ah.
Wararka ayaa sheegaya in wakiilka weeraryahanka Nigeria uu ka hadlayo faahfaahinta ugu dambeysa ee heshiiska.
Osimhen ayaa saxiixi doona heshiis afar sano ah oo ku kacaya €40 milyan oo euro xilli ciyaareedkii, halka Napoli ay heli doonto €80 milyan oo euro oo lagu daray gunooyin, taasoo ka yar €130 milyan oo euro oo lagu burburin karo qandaraaska weeraryahanka.
Al-Ahli ayaa sidoo kale ku dari doonta qodob lagu burburin karo heshiiska cusub ee Osimhen.
25-sano jirkaan ee noqday gooldhaliyaha ugu wanaagsan Serie A xilli ciyaareedkii 2022-23, ayaa doonayay inuu baaqi kusii ahaado Yurub, waxaana uu horey wadahadalo ula yeeshay Chelsea iyo PSG.
Wakiilka Osimhen, Roberto Calenda, ayaa ku celiyay horaantii isbuucaan in macmiilkiisu uu doonayay inuu ka sii ciyaaro Yurub.
Si kastaba ha ahaatee, soo jeedintii ugu dambeysay ee Chelsea ayaa ahayd meel u dhow Napoli iyo dalabaadka Osimhen, sidaa darteed xiddiga reer Nigeria ayaa hadda ku sii jeeda Boqortooyada Sacuudiga.