Luis Diaz ayaa soo gabagabeeyay heshiis weyn oo uu ugu dhaqaaqay kooxda Liverpool FC oo uu xiddig sare hadda ka yahay.
Si kastaba ha ahaatee, wadadii uu u maray xiddignimada uu maanta gaaray ayaa aheyd mid dhibaato badan.
Diaz wuxuu caruurnimadiisii ku qaatay daawashada wadooyinka qatarta badan ee tareenada maraan ee tuuladii yareyd ee uu ku noolaa ee Barrancas ee ku taala dalka Colombia.
Sababta uu u daawan jiray tareenada waxay aheyd inuu maalin uu ku safro si uu u gaaro meel ka baxsan tuuladiisa.
Dayaca dowladda ee deegaanka uu ku noolaa ayaa horseeday dhibaato bini’aadantinimo taasoo keentay in 4,770 caruur ah ay u geeriyoodaan nafaqo darro intii u dhaxeysay 2008 ilaa 2016.
Koritaankiisa aad buu u liitay, tababarayaasha Diaz waxay arkayeen inuu yahay mid karti badan oo horumar badan indhihiisu ka muuqdaan.
Noloshiisa saboolka aheyd waxay keentay in jirkiisu uusan u kobcin sidii loo baahnaa, taasoo keentay inuu la tartami waayo ciyaartoyda da’diisa ah.
Haddaba saynis yahanada ciyaaraha iyo macalimiin ka kala socday dalka oo dhan ayaa isu yimid si ay u qorsheeyaan cunto loogu talagalay garabka Liverpool haatan katirsan oo ahaa da’yar si ay degdeg ugu kordhiyaan miisaankiisa.
Si la yaab leh, Luiz waxaa si dhaqso ah jirkiisa ugu kordhay 10 kiiloogaraam.
Waxaa layaab leh in waxyaabaha uu cuni jiray qeyb ay ka aheyd baastada oo uu quraac ahaan u qaadan jiray subax kasta.
Markii ay da’diisu aheyd 22 jir, wuxuu u dhaqaaqay dhanka kooxda reer Portugal ee FC Porto halkaas oo uu bandhig ku filan ka sameeyay ka hor inta uusan caga dhigan Liverpool oo uu maanta ka yahay xiddig sare.