Halyeyga Chelsea ee Joe Cole ayaa shaaciyey qalad ay samaysay kooxdiisii hore ee Blues oo faa’iido u noqday Arsenal, iyadoo goordhow ay labada kooxood ciyaari doonaan kulan adag oo saamayn ku yeelanaya horyaalka Premier League.
Joe Cole ayaa waxa uu sheegay in Chelsea ay qalad weyn samaysay suuqii iibka ciyaartoyda ee xagaagii tegay, markaas oo ay iibisay ciyaartoy uu ku sheegay ‘mid cajiib ahaa’ oo aanay marnaba ahayn inay fasaxdo.
Ciyaartoyga uu ka hadlayo Joe Cole waa weeraryahanka reer Germany ee Kai Havertz oo bandhig heersare ah ka samaynaya Arsenal oo £65 milyan oo Gini kaga soo iibsatay Chelsea oo waqtigii uu joogay uu ka caawiyey inay Blues ku guuleysato Champion League.
Chelsea oo £71 milyan oo Gini kaga soo iibsatay Kai Havertz kooxda reer Germany ee Bayern Leverkusen sannadkii 2021 ayaa 91 ciyaarood oo uu u saftay u dhaliyey 19 gool, waxaanu ahaa laacibkii dhaliyey goolkii finalkii Champions League ee ay kaga guuleysteen Manchester City.
Joe Cole oo la hadlay wargeyska Daily Express ayaa yidhi: “Havertz ciyaartoy cajiib ah ayuu ku ahaa Chelsea, lacag badanna way kasoo bixiyeen, balse meelo kala duwan ayuu ka dheeli jiray oo uu shaqo fiican ka qabanayey. Waxa uu ahaa ciyaartoygii u dhaliyey goolka finalkii Champions League.
“Anigu ma doonaynin in aan arko isaga oo ka tegaya Chelsea, waxayna ahayd qalad weyn oo ay sameeyeen balse faa’iido u noqday Arsenal.
“Waxa uu uga ciyaaraa meel kasta oo ay u baahdaan, sida No.9, sagaalka beenta ah iyo meelo kale, waxaanu u dhaliyaa goolal la jeclaysto. Qalad weyn ayay ku ahayd Chelsea inay iibiso.”