Mohamed Salah oo diyaar u ah kordhinta qandaraas hal sano ah oo uu ku sii joogayo Liverpool, balse ka niyad jabsan sida ay kooxda u wajaheyso wadahadalka.
Mohamed Salah ayaa aqbali lahaa qandaraas hal sano ah oo cusub si uu ugu sii ciyaaro Liverpool, balse waxa uu si weyn uga niyad jabsan yahay sida kooxda ay ula tacaaleyso wadahadalada heshiiska.
Weeraryahanka ayaa weli sugaya in Liverpool ay caddeyso mowqifkeeda ku aaddan muddada iyo shuruudaha heshiis kasta oo suuragal ah, iyadoo kooxo waaweyn oo Yurub ah ay daneynayaan inay si xor ah kula wareegaan Salah dhammaadka xilli ciyaareedkan.
Laacibka qaranka Masar weli ma uusan la gelin wax wadahadallo ah kooxo kale, maaddaama uu qandaraaskiisu uusan u ogolaanayn, laakiin taasi way is beddeli doontaa laga bilaabo Janaayo 1, markaas oo Salah uu xaq u yeelan doono inuu heshiis horudhac ah la galo koox ka baxsan England.
Warbixin ay diyaarisay The Athletic, iyadoo laga soo xigtay ilo xog ogaal ah oo aan magacooda la shaacin sababo la xiriira qarsoodiga wadahadalka, ayaa sheegaysa in Liverpool aysan faallo ka bixin arrinta.
Wargeyska Faransiiska ee L’Equipe ayaa Axaddii sheegay in Salah lala xiriirinayo Paris Saint Germain, laakiin kooxda horyaalka Ligue 1 ayaa beenisay inay wadahadallo kula jirto Salah.
Liverpool waxay si joogto ah u sheegtay in wadahadalka ay Salah kula jiraan isaga iyo wakiilkiisa Ramy Abbas uu yahay mid wanaagsan oo wali socdo. Si kastaba ha ahaatee, Salah ayaa ka niyad jabsan xawaaraha wadahadalada wuxuuna ka shakisan yahay in kooxda ay la imaan weyso shuruudo u dhigma filashadiisa.