U dhaqaaqista Napoli ee Lukaku, oo 31 jir ah, ayaa waxaa ka danbeyay tababarahooda Antonio Conte, kaasoo uu Belgian-ka kusoo qaatay labo xilli ciyaareed oo wanaagsan Inter Milan intii u dhaxeysay 2019 ilaa 2021.
Weeraryahanka ayaa dib ugu biiray Chelsea 2021 adduun dhan £97.5 milyan oo ginni laakiin labadii xilli ciyaareed ee lasoo dhaafay ayuu amaah ku joogay Italy isagoo markii ugu horeysay kusoo laabtay Inter ka dibna Roma.
Lukaku ayaa dhaliyay 24 gool oo horyaalka ah markii uu ku guulaystay Serie A-da intii uu hogaaminayay Conte 2021.
Nacista Ciyaaryahanka ee kooxda Blues ayaa keentay in uusan u ciyaarin Chelsea tan iyo May 2022.
Bixitaanka Lukaku ayaa ku soo beegmaya iyadoo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea Tino Anjorin uu sidoo kale u dhaqaaqay Serie A-da Talyaaniga, isagoo Empoli ugu biiray heshiis seddex sanno ah.
Chelsea iyo kooxda Saudi Pro League ee Al-Ahli ayaa labadooduba wadahadalo kula jira weeraryahanka Nigeria Victor Osimhen, oo 25 jir ah.
Si kastaba Lukaku waxaa muhiim u arka Conte, wuxuuna qeyb weyn ka yahay qorshihiisa xagaaga.