Xiddigii hore ee Manchester United, Paul Pogba, ayaa ka hadlay markii ugu horreysay arrinta lagu kansalay heshiiskii uu kula jiray kooxda Juventus.
Paul Pogba ayaa heshiis iskaashi ah ku ogolaaday in Juventus kansasho qandaraaskiisa, sida uu ku xaqiijiyay xiddiga caalamiga ah ee reer France. Heshiiska Pogba ee kooxda Serie A ayaa markii hore ku ekaa ilaa 2026, balse hadda wuxuu noqonayaa ciyaaryahan xor ah marka la gaaro Noofambar 30.
Inkastoo uusan weli shaacin kooxda uu mustaqbalka ku biiri doono, 31-jirkan ayaa lala xiriiriyay inuu ku biirayo Inter Miami. Pogba ayaa wajahay caqabado waaweyn kadib markii lagu soo rogay ganaax afar sano ah oo la xiriira isticmaalka daroogooyinka, taasoo billaabatay bishii Maarso. Si kastaba ha ahaatee, Maxkamadda Ciyaaraha ee CAS ayaa bishii hore hoos u dhigtay ganaaxa ilaa 18 bilood, taasoo u ogolaaneysa inuu dib ugu soo laabto garoomada bisha Maarso ee soo socota.
Pogba ayaa warbixin qalbiga taabanaysa ku yiri:
“Sharaf ayay ii ahayd inaan xirto maaliyadda bianconeri oo aan wadaagno waqtiyo badan oo gaar ah.”
“Waxaan xasuusnaan doonaa xusuusihii aan wada sameynay. Way sii noolaan doonaan.”
“Xitaa waqtiyadii ugu adkaa ee sanadkii la soo dhaafay, taageeradiinna ayaa ahayd mid muhiim ah, waxaana jeclahay inaan uga mahadceliyo taageerayaasha Juve dunida oo dhan sida ay ii taageereen.”
“Sharaf ayay ii ahayd inaan la kulmo waqtiyo badan oo wanaagsan oo aan la qaatay saaxiibadeyda kooxda sannadihii la soo dhaafay, waxaana u rajeynayaa guul mustaqbalka.”
“Waxaan rajeynayaa inaan billaabo cutubka xiga ee xirfadeyda iyo inaan mar kale cagta saaro garoonka kooxdeyda cusub.”