Tababaraha Arsenal, Mikel Arteta, ayaa qirtay in kooxdiisu ay si liidata ku bilaabatay qaybtii labaad ee kulankii ay barbarraha 2-2 ah la galeen Newcastle United.
Arsenal ayaa hoggaanka ku qabatay gool uu dhaliyay Eberechi Eze, balse Newcastle ayaa soo laabatay iyadoo laba gool ay u dhaliyeen Harvey Barnes iyo Malick Thiaw. Noni Madueke ayaa markii dambe goolka barbarraha u dhaliyay Gunners si ay u helaan hal dhibic.
Isagoo la hadlayay Sky Sports, Arteta wuxuu yiri: “Qaybtii hore waxaan ahayn kuwo aad u fiican, waxaana mudnayn inaan laba ama saddex gool ku hoggaaminno Ciyaarta. Qaybtii labaad waxaan u baahnayn inaan heerkeenna kor u qaadno, balse hoos ayaan u dhacnay. Waxaan siinnay kalsooni, waxaana nalaga dhaliyay goolal ka yimid kubbad gacanta laga soo tuuray iyo kubbad dhimatay.”
Arteta wuxuu sheegay inay dib u heleen qaab-ciyaareedkoodii 25-kii daqiiqo ee ugu dambeeyay, balse ay ku guuldarraysteen inay dhaliyaan goolka saddexaad. Wuxuu ku daray inuu la dhacay falcelintii dambe ee kooxda, isagoo xusay inay haatan u diyaar garoobayaan kulanka adag ee Borussia Dortmund ee maalinta Talaadada.