Jamie Redknapp Oo Si Toos Ah U Magacaabay Kooxda Ugu Awoodda Badan Premier League Xilli Ciyaareed Kaan

Ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee xulka England, Jamie Redknapp, ayaa ku dooday in Arsenal ay tahay kooxda keliya ee u tartamaysa hanashada horyaalka Premier League xilli-ciyaareedkan.

Redknapp ayaa hadalkan jeediyay isagoo falanqaynayay kulankii ay Arsenal fiidnimadii Sabtida barbarraha 2-2 la gashay Newcastle United. Inkastoo kooxda horyaalka difaacanaysa ay hoggaanka ku qabatay gool uu dhaliyay Eberechi Eze, waxay u baahdeen gool xilli dambe ah oo uu dhaliyay Noni Madueke si ay hal dhibic uga helaan ciyaarta.

Si kastaba ha ahaatee, Redknapp wuxuu aaminsan yahay inaysan jirin koox kale oo u dhow Arsenal tartanka horyaalka.

“Waxay ahaayeen kuwo cajiib ah. Qof walba wuxuu ka hadlaa haddii aad mar ku guulaysato, ma ku celin kartaa? Haddii aan runta sheego ma arko koox kale oo la tartamaysa. Waxaan u malaynayaa inay ka fiican yihiin koox kasta oo kale,” ayuu Redknapp ka yiri Sky Sports.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular