Pep Guardiola ayaa daboolka ka qaaday arrin aan hore loo ogeyn oo ahayd in xiddiga Chelsea ee Cole Palmer uu muddo laba sannadood ah ku cadaadinayey maamulka iyo isagaba in ay u ogolaadaan in uu ka tago Etihad Stadium, taas oo keentay in xagaagii ay ka iibiyaan Chelsea.
Cole Palmer oo kasoo baxay kulliyadda da’yarta Manchester Ciity oo uu kusoo biiray isaga oo siddeed jir ah, ayaa kooxda koowaad uu Guardiola usoo dallacsiiyey waqtigii Covid-19 uu adduunyada ka jiray, halka xagaagiina ay £42 milyan oo gini kaga iibiyeen Blues.
Weeraryahankan ayaa 20 gool oo Premier League ah u dhaliyey Chelsea waxaana uu abaal-marinta kabta dahabka ah kula tartamayaa Erling Haaland oo ay ka siman yihiin goolasha ay dhaliyeen.
Palmer ayaa Axadda ka hor tegaya kooxdiisii hore ee Man City oo ay Chelsea wada ciyaarayaan semi-finalka FA Cup oo garoonka Wembley ka dhici doona.
Guardiola oo wax laga weydiiyey Palmer iyo sidii ay kaga iibiyeen Chelsea ayaa yidhi: “Laba sannadood ayuu dalbanayay in uu tago, aniga ayaana ku idhi joog. Waxa uu ii sheegay inuu doonayo inuu tago. Maxaanu samayn lahayn? Waxa aan ku idhi joog sababtoo ah Riyad Mahrez ayaa tegay, laakiin laba sannadood oo hore ayuu doonayey inuu tago.”
Guardiola ayaa sidoo kale ka hadlay wacdaraha uu Palmer ka dhigayo horyaalka Premier League, waxaanu yidhi: “Heerka uu ku ciyaarayo waa mid heersare ah. Waa ciyaartoy cajiib ah. Anigu ma siinin waqtigii uu u qalmayay balse Chelsea ayuu hadda ka helay, waanan fahamsanahay taas.
“Waa ciyaartoy xishood badan oo waxyaabo badan oo wanaagsan samayn karaya. Runtu waa sidaas, waxaanu ciyaarayaa kubbad heersare ah, go’aankii iibintiisana waxyaabo badan ayaa lagu salleeyey.”
Ugu dambayntii waxa uu Pep Guardiola sheegay in Erling Haaland iyo Kevin De Bruyne oo dalbaday in la beddelo ciyaartii Real Madrid ee Arbacadii, in ay kasoo kabteen jugo soo gaadhay oo ay diyaar u yihiin ciyaarta Chelsea ee semi-finalka FA Cup ee Axadda.