Tababarihii hore ee Arsenal ee Arsene Wenger ayaa eedaymo u jeediyey weeraryahanka reer Brazil ee Gabriel Jesus oo uu saluugay qaab-ciyaareedkiisa, waxaana uu u tilmaamay hal arrin oo looga baahan yahay laacibkan in uu horumar ka sameeyo si uu u noqdo ‘ciyaartoy sare;.
Gabriel Jesus oo ay da’diisu tahay 26 jir ayaa sannadkii 2022 ay Arsenal kala soo wareegtay Manchester City, si uu ugu buuxiyo booskii ay banneeyeen labadii weeraryahan ee waqtigaas ka baxay ee Pierre-Emerick Aubameyang iyo Alexandre Lacazzette.
Waxa kale oo weeraryahanka labaad ee Arsenal ee beddelka ku qoran uu noqday Eddie Nketiah, laakiin culayska badan ayaa waxa uu saaran yahay Gabriel Jesus oo ay gool-dhalintiisu hoosayso, taas oo keentay in Mikel Arteta uu ka fikiro inuu weeraryahan kale kusoo kordhiyo safkiisa xagaaga soo socda.
Jesus ayaa 11 gool oo kaliya oo horyaalka Premier League ah u dhaliyey Arsenal tan iyo markii uu uga soo wareegay Man City, waxaana afar ka mid ah uu ka dhaliyey kooxaha waaweyn, balse waxa qayb badan oo waqtigiisa ah dilay dhaawacyo uu u jiifay 184 maalmood intii uu joogay Gunners.
Bukayo Saka oo dhaliyey 13 gool, Kai Havertz oo 8 gool saxeexay, Leandro Trossard oo 7 gool dhaliyey, Gabriel Martinelli oo 6 gool shabaqa taabsiiyey, Decaln Rice oo 6 dhaliyey iyo Nketiah oo 5 gool saxeexay ayaa dhamaantood ka goolal badan Gabriel Jesus xilli-ciyaareedkan.
Waxa ay arrintani keentay in Arsenal ay la xidhiidho wakiillada Victor Gyokeres, Ivan Toney, Victor Osimhem iyo Benjamin Sesko oo qorshuhu yahay inay midkood isku xoojiso.
Si kastaba ha ahaatee, Arsene Wenger oo la weydiiyey heerka Gabriel Jesus ayaa waxa uu dhalliilay laacibkan oo uu sheegay inuu ku dhibaatoonayo marka uu goolka la hor tago kubadda, sidoo kalena ciyaartiisu aanay joogto ahayn.
Wenger oo la hadlayay Viapolay Sports oo uu wariye ka yahay Freddie Ljungberg ayaa yidh: “Waxa jira waxyaabo badan oo ay isku mid ka yihiin kooxda Arsenal ee hadda iyo kooxdaydii Arsenal, sida Martin Odegaard iyo Dennis Bergkamp.
“Laakiin ma jiro ciyaartoy sidii Thierry Henry ah waqtigan, sababtoo ab Gabriel Jesus dhaawacyo badan ayaa soo gaadhay. Waxa looga baahan yahay goolal badan oo aynaan waqtigan ku arkaynin.
“Ciyaartoyda sare, uma dul-qaataan in ay goolal la’aan ahaadaan. Ciyaartoyda taariikhda sameeyey, waxa ay joogteeyeen bandhiggooda, sida Cirstiano Ronaldo iyo Lioinel Messi oo muddo 15 sannadood ah ciyaarayey 50 illaa 60 kulan sannad kasta.”
Wenger oo la talinayey Jesus ayaa yidhi: “Waa in uu joogteeyo ciyaartiisa, kana fogaado dhaawacyada.”