Real Madrid ayaa ku dhawaaqday in Luka Modric uu saxiixay heshiis cusub oo hal sano ah oo uu ku sii joogayo Bernabeu, waxaana ciyaaryahanka khadka dhexe si rasmi ah loogu magacaabay kabtanka cusub ee kooxda.
Modric ayaa bedelay Nacho oo ahaa kabtanka Real Madrid, iyadoo daafaca dhexe ee qibrada leh uu go’aansaday inuusan cusbooneysiin qandaraaskiisa si uu ugu dhaqaaqo kooxda Saudi Pro League ee Al Qadsiah.
Waxaa jiray hadal heyn baahsan oo ku saabsan mustaqbalka Modric.
Kooxo ka kala socda Saudi Arabia iyo Waqooyiga Ameerika ayaa la rumeysan yahay inay isku dayeen saxiixiisa xagaagan, laakiin 38 jirkaan ayaa doorbiday mar walba inuu qandaraaska u kordhiyo kooxda Carlo Ancelotti.
Real Madrid ayaa haatan xaqiijisay in Modric uu qalinka ku duugay heshiis waqti gaaban ah oo uu kula sii joogi doono kooxda.
Laacibka reer Croatia waxa uu Los Blancos kaga soo biiray Tottenham Hotspur xagaagii 2012kii, waxaana uu kooxda u matalay 534 jeer, isagoo u dhaliyay 39 gool, waxaana loo diiwaan geliyay 86 caawin.
Modric ayaa ku guuleystay afar horyaal oo La Liga ah, labo Copa del Rey ah iyo lix koob oo Champions League ah intii lagu guda jiray waayihiisa cajiibka ah ee caasimada Spain, wuxuuna haatan sii joogi doonaa ugu yaraan sanad kale.
Modric ayaa ku qasbanaaday in uu aqbalo in uuna dammaanad ka ahayn khadka dhexe ee Real Madrid xilli ciyaareedkii hore, laakiin tirada kulamada darteed, waxa uu u saftay 46 kulan isaga oo dhaliyay 2 gool waxana uu diiwaan gashaday 8 caawin.
Jude Bellingham ayaa la filayaa inuu dib ugu soo laabto khadka dhexe xilli ciyaareedka cusub sababtoo ah waxaa kooxda yimid Kylian Mbappe, halka Eduardo Camavinga, Federico Valverde iyo Aurelien Tchouameni ay sidoo kale ku tartami doonaan booska.