Garabka kooxda Fulham Adama Traore ayaa daaha ka qaaday in Pep Guardiola uu siiyay talooyin badan oo ku saabsan sida loo dhamaystiro fursadaha qaaliga ah kadib markii ciyaaryahanka reer Spain uu lumiyay kubado gool u qalmay ciyaartii Manchester City.
Kyle Walker oo Manchester City ka tirsan ayaa kula dagaallamay kubado badan Adama Traore oo Fulham u ciyaara kulankii Premier League ee Manchester City iyo Fulham ku dhexmartay Etihad Stadium.
Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ayaa niyad jabay ka dib markii uu seddex fursadood oo wanaagsan dhalin waayay kulankii Etihad Stadium ka hor fasaxa caalamiga ah, iyadoo kooxdiisa guuldarro 3-2 ah kala kulantay kooxda heysata horyaalka.
Isbaanishka ayaa u sheegay majalada El Larguero: “Waan garanayay Guardiola dhowr sano, Waa tababaraha ugu fiican adduunka, shaki la’aan.
Ciyaarta ka dib wuu ii yimid si uu iigu sheego inaan u ciyaaray si fiican, wuxuu isiiyay tilmaamo ku saabsan sidii aan kaga faa,iideysan lahaa fursadaha goolka hortiisa.
Waxaan kula kulmay isaga waqtigii Barca. wuxuu sidookale iso wacay dhowr mar, saaxiibo ayaan nahay”ayuu yiri Adama Traore.