Manchester United ayaa marti galin xanuun badan y sameysay kooxda Bournemouth kulan ka tirsan Premier League iyada oo xaalada Marcus Rashford iyo Amorim wali aysan hagaagin.
Ruben Amorim ayaa mar kale qaatay go’aan uu kaga tagay weeraryahanka England,kulankii guuldarrada xanuunka badan uu kala kulmay Bournemouth oo kaga awooda badisay 3-0.
Rashford ayaa hore u seegay kulamadii Manchester derby iyo guuldarradii Carabao Cup ee Tottenham, waxaana markale laga saaray safkii Manchester United ee caawa lagu xasuuqa gurigooda.
Bournemouth ayaa qaab ciyaareed fiican oo u badnaa weerar is daba joog ah oo abaabulan la timid Old Trafford iyada oo Andoni, iyadoo wiilasha tababare Iraola ay heleen guul ka caawisay afarta sare ee Premier League.
Xiddiga Huijsen ayaa daqiiqadii 29aad hogaanka u dhiibay kooxda martida aheyd ee Bournemouth oo higaanka ku qabatay goolkaas 45 daqiiqo ee ugu horeysay ciyaarta.
Amorim wuxuu sameeyay isbedel taatiko ah qeybta labaad si kooxdiisa ciyaarta ugu soo laabato, laakiin Kluivert ayaa daqiiqadii 61aad goolka labaad ugu daray isagoo saxiixay rugoore loo dhigay kooxdiisa.
Bournemouth waxay sii dishay rajada Man Utd, waxayna ka xanaajisay tababare Amorim kadib markii Semenyo 63 daqiiqo uu dhaliyay goolka saddexada ee kooxdiisa.
Waxay aheyd natiijo lama filaan ah waxa ka socday Old Trafford oo ay ka jirtay rajo bilow ah oo uu keenay Amorim.
Guud ahaan ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 3-0 oo ay ku badisay Old Trafford kooxda martida ku aheyd ee Bournemouth.