Tababaraha Real Madrid, Carlo Ancelotti, ayaa qirtay in taageerayaashu aysan ku qanacsanayn qaab ciyaareedkii kooxdiisa qeybtii labaad ee kulankii Rayo Vallencano, inkastoo ay guuleysteen. Isagoo la hadlayay saxaafadda kadib ciyaarta, Ancelotti wuxuu yiri: “Waxaan dooneynay inaan helno saddexda dhibcood. Waxaan fahamsanahay in taageerayaashu aysan jeclaysan qeybtii labaad ee ciyaarta.”
Ancelotti wuxuu sidoo kale tilmaamay in kooxo kale oo waaweyn oo Champions League ciyaaray ay la kulmeen dhibaatooyin isla maalmahan. Wuxuu xusay in Bayern Munich iyo Bayer Leverkusen ay guuldarrooyin la kulmeen, halka Inter Milan iyo Liverpool ay dhibaatooyin soo food saartay. Wuxuu yiri: “Ma sahlana in si joogto ah looga ciyaaro heerka sare.”
Intii lagu jiray shirkiisa jaraa’id, Ancelotti wuxuu difaacay go’aankiisa ahaa in kooxdu diiradda saarto difaaca markii ay hoggaanka ku hayeen 2-1 ilaa daqiiqadii 75-aad, inkastoo ay jireen dhaleeceyn kaga timid taageerayaasha Bernabéu. Wuxuu sheegay in xaaladahaas ay muhiim tahay in la difaaco natiijada wanaagsan.
Tababaruhu wuxuu sidoo kale amaanay ciyaartoyda sida Kylian Mbappé iyo Aurelien Tchouameni, isagoo sheegay in Tchouameni uu sameeyay horumar weyn inkastoo ay jireen dhaleeceyn. Ancelotti wuxuu ku adkeystay in qaab ciyaareedkii qeybtii hore ee ciyaarta ay siinayso kalsooni ku aaddan kulamada soo socda.
Ugu dambeyntii, Ancelotti wuxuu ka hadlay soo kabashada ciyaartoyda muhiimka ah sida Luka Modric, Thibaut Courtois, iyo Antonio Rüdiger, isagoo sheegay in soo laabashadooda ay muhiim u tahay kooxda. Wuxuu sidoo kale amaanay Jude Bellingham oo bandhig fiican sameeyay kulankii ugu dambeeyay.