Carlo Ancelotti ayaan ka gabanin inuu qirtay in sida kaliya ay kooxdiisa ugu gudbi kartay semi-finalka inay aheyd inay rigoore la tagaan Manchester City.
Ciyaarta ka dib ayuu Ancelotti yiri: “Waxay aheyd sida kaliya ee aan halkaan uga gudbi karnay” isagoo amaanay ciyaartooydiisa iyo kuwa Pep Guardiola.
Ancelotti ayaa sheegay in goolhayaha Real Madrid Lunin uu u sheegay inuu rigoorooyin badbaadin doono islamarkaana ay rigoorada ku adkaan doonaan.
“Rigoorada waa khamaar, laakiin kalsooni ayaan ku qabay ciyaartoydeyda.” ayuu yiri Ancelotti.
“Waxay ii sheegeen inay badin doonaan, Lunin wuxuu ii sheegay inuu rigoorooyin badbaadin doono.. ugu danbeyna wax fiican ayay noqotay.
“Waan daawaday dhamaan rigoorooyinka, si fiican ayaan u tuurnay rigoorooyinka, aad ayaana u la yaabay Rudiger. Xilli ciyaareedkan rigoorooyinka kuma aanan fiicneyn, laakiin shaqo fiican ayaan sameynay.”
Isagoo ka hadlayay tababaraha Manchester City Pep Guardiola waxa uu Ancelotti yiri:
“Wuxuu iigu hambalyeeyay inaan u soo baxnay semi-finalka, waxa uu inoo rajeeyay nasiib wacan, si ragganimo ayuu u dhaqmay, kooxdiisana waa koox rageed.”