Tababaraha kooxda Liverpool, Arne Slot, ayaa si furan uga hadlay guuldaradii naxdinta lahayd ee kooxdiisu kala kulantay Fulham kulan ka tirsanaa Premier League, kaasoo ka dhacay garoonka Craven Cottage.
Liverpool ayaa la kulantay guuldarro 3-2 ah, iyadoo saddex gool oo degdeg ah laga dhaliyay 14 daqiiqo gudaheed qaybtii hore ee ciyaarta. Slot ayaa sheegay in inkasta oo Fulham tahay koox tayo leh, haddana guuldarrada ay u sabab tahay khaladaad ka yimid kooxdiisa.
“Way adagtahay in la aqbalo guuldaradan, sababta oo ah 3 gool ayaa nalaga dhaliyay muddo 14 daqiiqo ah. Inkasta oo Fulham tahay koox leh tayo, haddana goolasha khaladaadkeena ayaa keenay” ayuu Slot u sheegay warbaahinta ciyaarta kadib.
Tababaraha reer Holland ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in aysan caadi u ahayn kooxdiisa inay samayso khaladaad badan hal kulan gudaheed, wuxuuna sheegay in ciyaarta ay ku muujiyeen dadaal qeybtii dambe, balse aysan waqti u helin inay keensadaan goolka barbaraha.
“Guud ahaan, ma nihin koox sameysa khaladaad badan, iska daa saddex qalad oo hal kulan ah. Qeybtii dambe si fiican ayaan u ciyaarnay, fursado waan abuurnay, balse aad ayay u adag tahay inaad guuleysato marka 3 gool lagaa dhaliyo qeybtii hore,” ayuu yidhi.
Slot ayaa intaas ku daray: “Nasiib darro, waqtiga ayaa naga dhammaaday si aan u dhalino goolka saddexaad. Dadku waxay doonayaan inay sameeyaan sheekooyin, taasna waa shaqadooda. Kooxo badan ayaa la dhibtoonaya Fulham. Qeybtii labaad qaab ciyaareedkeenu wuu fiicnaa, fursado ayaanu helnay, balse waqtiga ayaa na caawin waayay.”
Guuldaradan ayaa ka dhigan in Liverpool ay halis ugu jirto inay lumiso hoggaanka horyaalka, iyadoo Manchester City iyo Arsenal ay cadaadis xooggan saarayaan. Reds ayaa wajahaysa kulamo adag toddobaadyada soo socda, iyadoo taageerayaashu ay rajo ka qabaan in kooxda ay dib ugu soo laabato wadada guulaha.