Manchester United ayaa dooneysa inay lasoo saxiixato da’yarka Sporting Geovany Quenda, sida laga soo xigtay majaladda Portuguese-ka ee A Bola.
Warbixinta ayaa sheegeysa in Red Devils ay xiiseyneysay 17-jirkaan ka hor inta aysan u magacaabin tababare Ruben Amorim macalinka kooxda.
Amorim ayaa durba bilaabay shaqada isagoo ah tababaraha cusub ee United, waxaana la amray inuu ka shaqeeyo keenista ciyaartooygaan mudada dheer ay xiiso u qabeen maamulka Man Utd.
United ayaa la sheegay in ay doonayso in ay heshiis la gaarto xiddiga Quenda wakhti hore ka hor inta aan la gaarin xagaaga ayay rabaan inay la wareegaan.
Daafaca garabka ka ciyaara, kaasoo sidoo kale u ciyaari kara sidii weeraryahan 2aad, ayaa qandaraaskiisa lagu burburin karaa ku dhawaad 84 milyan ginni.
Laakiin dalabka ugu horreeya ee United lama filayo inuu ka hooseeyo £33m, waxaana Amorim uu noqon doonaa qofka furaha u noqon doona heshiiskaan.
Ruben Amorim ayaa sidookale la warinayaa inuu doonayo Branthwaite oo katirsan Everton, Viktor Gyokeres oo u ciyaara Sporting CP iyo Victor Osimhen oo amaah kula jooga Galatasaray.