Mikel Arteta oo ciyaarta ka saaray Martin Odegaard waxay muujisay qibrad xumadiisa kulankii Everton barbaraha 0-0 ah la galeen Arsenal caawa sida uu sheegay Tim Sherwood.
Isagoo ka hadlayay Sky Sports kadib falanqeynta ciyaarta, Sherwood ayaa ka falceliyay in Arteta uu kabtankiisa kala baxay ciyaarta 62 daqiiqo isagoo u baahan gool kulankii Toffees ee Emirates.
Odegaard ayaa dhowr jeer kubado halis ah ku garaacay albaabka kooxda Dyche, laakiin Jordan Pickford ayaa ka hor istaagay fursadihii uu abuuray.
Sherwood ayaa yiri: “Isbeddellada la yaabka leh ee Mikel Arteta waxay ahaayeen kuwo nasiib xumo ah u keenay Arsenal.
“Haddii aan ahaan lahaa Sean Dyche oo aan arki lahaa Martin Odegaard oo ciyaarta laga saarayo waan farxi lahaa, waayo wuxuu ahaa kan ugu qatarta badan oo ay wajaheysay Everton.
In Odegaard ku dhawaad nus saac ka hor dhamaadka waqtiga buuxa ee ciyaarta la bedelo ma aheyn wax sax ah, waliba lagu bedelay wiilka yar ee Ethan Nwaneri, waxay aheyd fursad uu hal dhibic ku helay tababare Dyche “Sherwood ayaa yiri ciyaarta kadib.
Arsenal ayaa kulankii labaad oo xiriir ah barbaro gashay, nasiib darro waxay kasii baxayaan tartanka Premier League oo ay hogaamineyso Liverpool xili ciyaareedkaan.