Xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah ayuu mustaqbalkiisu caddaan noqday oo uu dhinac u dhacay, iyadoo si weyn ay u doonayaan kooxaha horyaalka waddanka Sucuudiga oo lacago badan oo mushahar ah diyaar ula ah.
Mohamed Salah ayaa maalintii ugu dambaysay suuqii xagaaga ee bishii August waxa uu u dhowaaday inuu u wareego kooxda Al-Ittihad ee horyaalka Sucuudiga oo la sheegay inay Liverpool u gudbisay dalab £200 milyan oo Gini ahaa, laakiin ay Reds iska diidday maadaama aanay waqtigaas helaynin ciyaartoy booskiisa ka dheela oo suuqu uu sii xidhmayey.
Kooxaha Sucuudiga ayaa mar kale ku rogaal-celiyey Mohamed Salah bishii January, laakiin Liverpool oo arkaysay inay ku tartamayso horyaalka Premier League ayaa albaabka ka xidhatay
31 jirkan oo 12 bilood oo kali ah ay ka hadhsan yihiin qandaraaskiisa, ayaa waxa uu ogolaaday inuu sii joogo kooxdiisa Liverpool ugu yaraan hal xilli-ciyaareed oo kale.
Sidoo kale, wargeyska Bloomberg ee kasoo baxa waddanka Maraykanka ayaa sheegay, in kooxaha horyaalka Sucuudigu aanay dalabkii waallida ahaa ee xilli-ciyaareedkii hore oo kale ku celin doonin Mohamed Salah, maadaama ay naadiyada Sucuudigu diiwaangeliyeen khasaare badan.