Xaaladda Qandaraaska Lamine Yamal Oo Qasan Iyadoo Agaasimaha Barcelona Deco Uu Beeniyay Sheegashada Wakiilka Yamal Ee Ku Saabsan in heshiis kordhinta Yamal Lagu Falanqeeyay Casho Ka Dhacday Lisbon Kahor Guushii Champions League Ee Benfica.
Agaasimaha isboortiga ee Barcelona, Deco, ayaa si cad u beeniyay sheegashada Jorge Mendes ee ah in wada-hadallo ku saabsan cusboonaysiinta qandaraaska Lamine Yamal ay ka dhaceen kulan dhowaan ka dhacay Lisbon.
Mustaqbalka Yamal ee Barcelona ayaa ahaa mowduuc kulul maalmahan dambe, iyadoo wakiilkiisa Mendes uu Talaadadii shaaca ka qaaday inuu la yeeshay madaxda kooxda wada-hadallo ku saabsan mustaqbalka fog ee xiddigan da’da yar.
Si kastaba ha ahaatee, Deco ayaa ku gacan seydhay sheegashadaas, isagoo xusay in qandaraaska Yamal uusan kamid ahayn waxyaabihii laga hadlay kulankii Lisbon.
Yamal ayaa qalinka ku duugay qandaraaskiisii ugu horreeyay ee xirfadeed ee Barcelona sanadkii 2023 isagoo markaas jiray 16 sano oo kaliya. Qandaraaskaas ayaa ku eg ilaa 2026 maadaama aysan suurtagal ahayn in heshiis dheer lala saxiixdo ciyaartoy da’diisu ka yar tahay 18 sano. Inkastoo hadalka Deco uu taageerayaasha walwal ku abuuri karo, haddana waxay u badan tahay in Barcelona ay heshiis muddo fog ah la gaari doonto xiddiga xulka Spain inta lagu jiro ama ka hor xagaaga soo aadan.
“Shalay cashadii kama aanan hadlin cusboonaysiinta Lamine,” ayuu Deco xaqiijiyay isagoo jooga Estadio da Luz Arbacadii (h/t Football Espana). “Ma dooneyno inaan ka hadalno cusboonaysiinta Lamine iyadoo 20 qof miiska fadhida. Waan wada hadli doonnaa marka la gaaro xilliga ku habboon. Ma jiro meel uga wanaagsan halka uu joogo. Wuu ku raaxaysanayaa wuxuuna ku faraxsan yahay halka uu joogo.”