Gabriel Martinelli oo ka mid ah ciyaartooyda ugu muhiimsan Arsenal ayaa la kulmay dhaawac intii lagu jiray ciyaaraha caalamiga ah ee qarankiisa Brazil.
Gunners ayaa Sabtida soo aadan ku soo laaban doonta ciyaaraha Premier, iyadoo ku wajaheysa Bournemouth garoonka Vitality Stadium.
Si kastaba ha ahaatee, tababare Mikel Arteta ayaa ku qasbanaan doona inuu war rasmi ah ka helo dhaawaca qaar ka mid ah xiddigihiisa kusoo gaaray wajibaadka caalamiga ah.
Xiriirka kubada cagta Brazil (CBF) ayaa cadeeyay in Martinelli uu mari doono baaritaano la xiriira dhaawaca kubka ah ka dib markii uu dareemay xanuun.
Bayaan kasoo baxay xiriirka ayaa lagu yiri “Ciyaaryahan Gabriel Martinelli waxa uu dareemay xanuun kubka midig ah, waxaana loo diray baaritaanka MRI, oo muujiyay barar muruqa ah inuu jiro.
Arsenal ayaa hadda ka warsugeysa inta uu le’eg yahay dhaawaca Martinelli oo ay macquul tahay inuu seego dhowr isbuuc garoomada.
Ciyaaryahanka garab weerarka ka ciyaara ayaa shaki la galinayaa kulanka soo socda Gunners ay la ciyaari doonto Bournemouth Premier League iyo ciyaarta xigta ee Champions League ku wajahayaan Shakhtar Donetsk.