Kooxda difaacanaysa horyaalka Premier League ayaa maalinta ugu horeysa ee Boxing day Premier League ku bilaabatay imtixaan kale oo xun kadib markii ay barbaro 1-1 ah la gashay Everton.
Man City kadib Guuldarro 2-1 ah oo ka soo gaartay Aston Villa kulankii ugu dambeeyay horyaalka waxaa halkeeda kasoo socday musiibada kooxda heysta xili ciyaareedkaan
Man City ayaa kaliya hal guul gaartay 13kii ee ugu danbeeyay tartamada oo dhan, taasoo hubaal sii hurisay xaalada Pep Guardiola ee Sky Blue.
Man City ayaa hogaanka ciyaarta qabatay kadib markii B. Silva 14 daqiiqo dhaliyay gool uu si xirfadeysan u xaday difaaca Everton.
Laakiin Everton ayaa weerarkeedii ugu horeeyay ku dhalisay goolka barbaraha ah, iyadoo daqiiqadii 36aad Ndiaye uu kubad Volley ah dhaxdhigay shabaqa Man City.
Qeybta hore waxaa lagu kala nastay barbaro 1-1 ah, soo laabashada qeybtii labaad City ayaa dardar kusoo gashay, waxaana loo dhigau rigoore uu qasaariyay Haaland.
Guud ahaan kulanka ayaa kusoo dhamaaday barbaro 1-1 ah, taasoo la micno ah in Man City wali ay kujiraan xaalad adag oo u baahan badbaado.
Everton ayaa dhibco ka heshay Arsenal, Chelsea iyo Man City taasoo muujineysa sida kooxdan u xoogan tahay marka ay wajahayaan kooxaha waaweyn.