Manchester United ayaa dhaawac ku weyn doonta Luke Shaw, Tyrell Malacia iyo Noussair Mazraoui kulanka sabtida ee Brentford, taasoo la micno ah in Erik ten Hag uu heli doonin dooq badan oo daafaca ah.
Daafaca dambeedka midig ah ayaa dhibaatada ugu badan ka jiri doontaa kulankaan muhiimka ah, sida uu sheegay wariyaha Laurie Whitwell oo ka warama arimaha Manchester United.
Ten Hag waxay u badan tahay inuu geeyo mid kamid ah daafacyadiisa dhexe garabka midig ee difaaca si uu u daboolo maqnanshiyaha Mazraoui.
Xaalada dhaawacyada ayaa yimid xili ninka reer Holland cadaadis xoogan saaran yahay kadib natiijooyinkii xumaa ee kooxda la kulmeysay ciyaarihii ugu dambeeyay.
Manchester United sideed dhibcood ayay ka heshay todobadii kulan ee furitaanka Premier League, waxay hadda fadhidaa kaalinta 14aad, iyadoo shan dhibcood ka sareysa booska dib u laabashada.
Ten Hag shirkii guddiga kooxda ee isbuucii hore ayaa la isku raacay in fursad dheeri ah la siiyo kulamada Brentford iyo Fenerbahce, hadii uu natiijo keeni waayo waxaa qasab ah in laga ceyriyo Red Devils.
Iyada oo kulanka uu la ciyaarayo kooxda Thomas Frank sabtida muhiimad gaar ah uu u leeyahay. Ten Hag waxaa niyad jab ku haya xaalada dhaawacyada kooxdiisa.
Shabakada The Athletic, ayaa xaqiijisay in Shaw iyo Malacia aan la heli karin kulanka sabtida, halka Mazraoui uu isna maqan yahay.