Jamal Musiala ayaan ka laba-labeyn markii la weydiiyey cidda fiican ciyaartooyda Vinicius Jr iyo Lamine Yamal.
Laacibka xulka Germany iyo Bayern Munich ayaa si degdeg ah u bixiyey jawaabtiisa, isagoo doorbiday Vini Jr.
Musiala, oo ka mid ah ciyaartooyda da’da yar ee ugu xiisaha badan kubadda cagta adduunka, ayaa lasoo ciyaaray labada laacibba – Vini Jr waxey wada ciyaareen kulankii Champions League semi-final-ka halka Yamal na ay wada ciyaareen kulankii Euro quarter-final-ka.
Inkasta oo ay adag tahay in si toos ah laisu barbar dhigo labada ciyaartooy maadaama Vini Jr uu jiro 24 sano halka Yamal keliya yahay 17 sano jir, Musiala ayaa ku adkeystay in Vini Jr uu hadda yahay kan wanaagsan.
“Vini,” ayuu yiri. “Haa, hadda Vini ayaa wanaagsan. Yamal wuxuu u baahan yahy dhowr sano.”
Labada laacib, Yamal iyo Vini Jr, ayaa ka mid ah liiska magacyada u sharaxan abaal-marinta Ballon d’Or oo la shaacin doono Oktoobar 28.
Markii la weydiiyey inuu isbarbardhigo garabka Real Madrid iyo ciyaaryahanka Manchester City ee Phil Foden, Musiala wuxuu ku adkeystay in Vini Jr yahay kan fiican labada.
Musiala ayaa sidoo kale ku raaxaysanaya hoggaanka tababaraha cusub ee Bayern Munich, Vincent Kompany. Xilli ciyaareedkan, wuxuu Bayern u saftay shan kulan oo horyaalka Bundesliga ah wuxuuna dhaliyey saddex gool.
Inkasta oo Musiala uusan ku jirin liiska musharaxiinta Ballon d’Or, haddana wuxuu carrabka ku adkeeyay in “abaal-marinnada shaqsiga ah ay muhiim yihiin.