Pep Guardiola iyo Jurgen Klopp ayaa noqday labada tababare ee ugu mushaharka badan horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, iyadoo heshiisyadoodii ugu dambeeyey ee ay u saxeexeen kooxahooda Manchester United iyo Liverpool ay ku heleen lacago badan oo mushahar ah.
Roberto De Zerbi ayaa inkasta oo uu shaqo cajiib ah ka qabtay Brighton & Hove Albion tan iyo markii uu beddelay Graham Potter, ayaa waxa kaliya uu sannadkii qaataa mushahar gaadhaya £1.5 milyan oo Gini, halka Mauricio Pochettino oo ay dhibaatoonayso kooxdiisa Chelsea uu kaliya u xaadiro kala-badh mushaharka uu qaato Pep Guardiola.
Mushaharka ay qaateen tababareyaasha horyaalka Premier League oo la shaaciyey, ayaa waxa figta sare fadhiya Pep Guardiola oo sannadkii ay Man City u shubto £20 milyan oo Gini, halka Pep Guardiola oo labaad ku jira uu isaguna u xaadiro £15 milyan oo Gini sannadkii, inkasta oo dhamaadka xilli-ciyaareedkan uu ka tegi doono Liverpool.
Tababareyaasha saddexda kooxood ee Wolves, Sheffield United iyo Crystal Palace ayaan la helin xogta mushaharkooda, hase yeeshee 17ka tababare ee kale ee kooxaha horyaalka Premier League ayaa la shaaciyey.
Halkan kaga bogo mushaharka tababareyaasha horyaalka Premier League:
20. Gary O’Neil (Wolverhampton Wanderers) – Lama garanayo
19. Chris Wilder (Sheffield United) – Lama garanayo
18. Oliver Glasner (Crystal Palace) – Lama garanayo
17. Andoni Iraola (Bournemouth) – £1 milyan oo Gini
16. Roberto De Zerbi (Brighton & Hove Albion) – £1.5 milyan oo Gini
15. Vincent Kompany (Burnley) – £2 milyan oo Gini
14. Rob Edwards (Luton Town) – £2 milyan oo Gini
13. Nuno Espirito Santo (Nottingham Forest) – £2 milyan oo Gini
12. Marco Silva (Fulham) – £4 milyan oo Gini
11. Unai Emery (Aston Villa) – £4 milyan oo Gini
10. Eddie Howe (Newcastle United) – £4 milyan oo Gini
9. David Moyes (West Ham United) – £4 milyan oo Gini
8. Thomas Frank (Brentford) – £4.5 milyan oo Gini
7. Ange Postecoglou (Tottenham Hotspur) – £5 milyan oo Gini
6. Sean Dyche (Everton) – £5 milyan oo Gini
5. Erik ten Hag (Manchester United) – £9 milyan oo Gini
4. Mikel Arteta (Arsenal) – £9.5 milyan oo Gini
3. Mauricio Pochettino (Chelsea) – £10.4 milyan oo Gini
2. Jürgen Klopp (Liverpool) – £15 milyan oo Gini
1. Pep Guardiola (Manchester City) – £20 milyan oo Gini