Jurgen Klopp ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqay inuu noqon doono Madaxa Caalamiga ah ee Kubadda Cagta ee shirkadda Red Bull, isagoo xilka la wareegaya kowda bisha Janaayo.
57 sano jirka Reer Jarmal ayaa masuul ka noqon doonaa hawlaha kubadda cagta ee dhammaan kooxaha shirkadda Red Bull, oo ay ka mid yihiin RB Leipzig, Red Bull Salzburg, iyo New York Red Bulls.
Klopp ayaa ka tagay Liverpool bishii May kaddib sagaal sano oo uu joogay kooxda. Wuxuu kula guuleystay horyaalka Premier League iyo Champions League.Fursaddan cusub ee Red Bull ayaa dib ugu soo celisay kubadda cagta, isaga oo qaban doono shaqo ka duwan tii hore ee Liverpool.
Mushaarkiisa cusub ayaa u dhexeeya £8.3 milyan ilaa £10 milyan sanadkii, taas oo ka hooseysa mushaarkii uu ka qaadan jiray Liverpool. In kasta oo uu hoos u dhacay mushaharkiisa, haddana doorkani wuxuu leeyahay saameyn weyn oo ah maamulidda mid ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn adduunka.
Waxaa xiiso leh, qandaraaska Klopp kuma jiraan shuruudo u oggolaanaya inuu ka baxo heshiiska, balse waxaa jira heshiis afka ah oo u saamaxaya inuu ka tago haddii fursad soo jiidasho leh soo baxdo, gaar ahaan haddii booska tababaraha xulka qaranka Jarmalka uu bannaanaado.
Si kastaba ha ahaatee, iyadoo heshiis shan sano ah Klopp kula jiro Red bull, waxaa laga cabsi qabaa in uu imaado isbeddel degdeg ah oo uu ku noqonayo tababaraha xulka qaranka jarmalka.