Tababarihii hore ee Manchester United Jose Mourinho oo haatan tababare u ah kooxda Fenerbahce ee dalka Turkiga ayaa lagu soo waramayaa inuu xiiseynayo saxiixa daafaca kooxda Man United Victor Lindelof inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.
Lindelof, oo uu Mourinho keenay Manchester United 2017, ayaan hadda boos joogto ah ka heysan tababaraha hadda Manchester United Erik ten Hag. United ayaa isku dayday inay iska iibiso xiddigan xagaagii, laakiin dhaawac soo gaaray xiddiga ayaa u ogolaan weysay kooxda iney suuqa dhigto.
Lindelof ayaa ku soo laabtay ciyaaraha waxyar ka hor fasaxa caalamiga ah ee October, laakiin United ayaan qorsheyneyn inay qandaraaska u cusbooneysiiso xiddiga xilli ciyaareedkan kadib.
Mourinho ayaa ka fikiraya inuu u dhaqaaqo Lindelof bisha Janaayo si uu u xoojiyo difaaca Fenerbahce. Ma cadda in Mourinho uu doonayo in Lindelof uu isla markiiba ku biiro Fenerbahce ama uu sugo ilaa inta uu qandaraaskiisu dhamaanayo xagaaga.
Ciyaartoyda uu qandaraaskoodu ka harsan yahay lix bilood ama wax kayar waxay la xaajoon karaan kooxaha ay ka helayaan xiisaha, laakiin waa inay sugaan ilaa inta uu qandaraaskooda ka dhamaanayo si ay koox kale ugu wareegaan.
Zlatan Ibrahimovic ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa inuu xiiseynayo inuu Lindelof keeno AC Milan, isagoo Mourinho kula tartamaya daafaca Swedishka ah.