Tababarihii hore ee kooxaha PSG, Chelsea iyo Bayern Munich Thomas Tuchel ayaa lagu soo waramayaa inuu doonayo inuu qabto shaqada tababarenimo ee kooxda Man United hadii looso bandhigo sida uu ku waramaya saxafiga Christian Falk.
United ayaa ku bilaabatay xili-ciyareedkan si liidata iyaga oo ku jira kaalinta 14aad kala saraynta horyaalka Ingriiska kadib keliya 2 guul iyo 3 guuldaro oo ay ka heleen 7 kulan oo la ciyaaray ilaa iyo haatan.
Iyada oo cadaadiska ku saabsan mustaqbalka tababare Ten Hag sii kordhayo isbuucyadii u dambeeyay ayaa waxa jira tababareyaal kala duwan oo lala xiriirinayo inay booska tababarenimo ka badali karaan Erik Ten Hag.
Mulkiilayaasha kooxda Man United ayaa isbuucan wada yeeshay shir si ay uga wada xaajoodaan mustaqbalka Ten Hag, iyadoo ilaa hada wax go’aan ah kasoo bixin shirkaas ayaa la sheegay in tabababare Ten Hag uu haysto wakhti dheeri ah uu shaqadiisa ku badbaadin karo.
Sida laga soo xiganayo Christian Falk, Tuchel ayaa aad u dooneya shaqada tababarenimo ee United wuxuuna noqon kara macalimiinta ugu cadcad ee shaqada ka badali kara Ten Hag, iyada oo xili-horeba ay maamulka United wadahadalo la yeesheen Thomas Tuchel