Gareth Southgate ayaa diiday inuu meesha ka saaro suurtogalnimada uu England ugu soo laaban karo Mason Greenwood ciyaaraha Qaramada Yurub ee Euro 2024.
Baaritaan boliis oo lagu sameeyay weeraryahanka Manchester United ayaa bilowday bishii Janaayo 2022kii.
Eedeymo la xiriiray kufsi iyo tacadi ayaa markii danbe maxkamada ay laashay oo meesha laga saaray.
Greenwood oo hal kulan u dheelay xulka England sannadii 2020kii ayaa dib u dhisaya waayihiisa ciyaareed isagoo amaah ku joogay Spain.
Markii la weydiiyay xaalada Greenwood ee xulka England, tababare Southgate ayaa sheegay inaysan waqtigaan macquul aheyn madaama ay xaaladiisa ka jeedineyso xulka diiradooda balse wuxuu albaabka u furay ka dib ciyaaraha Qaramada Yurub.
“Uma maleynayo inay tahay wax aan u baahanahay inaan ka hadlo ka hor ciyaaraha Qaramada Yurub.” ayuu yiri.
“Inuu waayihiisa ciyaareed dib ugu soo dhiso dalka banaankiisa waa talaabo fiican uu qaaday. Laakiin xaaladiisa si dhow ulama socdo.
“Waqti xaadirkaan waxa uu kooxda u noqonayaa mid ka jeediya diirada – aan aragno sida wax noqdaan xilli ciyaareedka danbe.
“Waxaan u baahanahay inaan ogaado faahfaahin badan oo la xiriirta xaalada guud ka hor inta uusan noqonin mid la soo xulan karo.”
Greenwood oo 22 sanno jir ah ayaa amaah ugu biiray Getafe bishii Agoosto ee sannadkii tagay. Waxa uu dhaliyay sideed gool isagoo sameeyay shan caawin 26 kulan uu u saftay kooxda La Liga ka dhisan.
Weli ma cadda haddii Man United ay dooneyso inay si joogta ah isaga iibiso Greenwood xagaagan iyadoo ay xiiseynayaan kooxo badan oo Isbaanish ah.