Ruben Amorim ayaa sheegay in Marcus Rashford uu ciyaari karo kulanka Bournemouth ee isbuucaan.
“Dabcan, Rashford waa diyaar Axadda,” maamulaha Man United ayaa ka sheegay shirkiisi jaraa’id ee caawa.
Rashford ayaan ku jirin kooxda Man United labadii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay Man City iyo Tottenham.
Intii u dhaxaysay labadaas kulan, weeraryahanka ayaa shaaca ka qaaday rabitaankiisa ah inuu helo tartan cusub taasoo shaki galisay mustaqbalkiisa kooxda.
Ruben Amorim oo su’aalo la xiriira in Rashford kusoo laaban karo shaxdiisa iyo in kale la weydiiyay wuxuu ku jawaabay” diyaar ayuu u yahay kulanka soosocda hadii uu xulashada kusoo baxo.
Rashford oo helay dalabyo waaweyn suuqa January, waxaa la filayaa inuu ka dhaqaaqo kooxdiisa caruurnimada isagoo amaah ugu biiri karo Altletico Madrid.