Daafacii hore ee Liverpool, Glen Johnson, ayaa sheegay in hadallada uu Mo Salah si fagaare ah uga hadlay xaaladdiisa qandaraaska ay noqon karaan isku daygii ugu dambeeyay ee uu dadweynaha ugu muujinayo inuu doonayo inuu sii joogo Anfield.
Mustaqbalka xiddiga Masaarida ah ayaa ka mid ah mowduucyada ugu weyn ee laga hadal hayo horyaalka Premier League. Inkastoo uu 32 jir yahay, Salah waxa uu u muuqdaa mid weli ku jira qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa, isagoo ah gooldhaliyaha ugu sarreeya horyaalka oo 13 gool dhaliyay xilli ciyaareedkan. Waxa kale oo uu leeyahay 8 caawin, taas oo ka dhigaysa kan labaad ee ugu caawinta badan ka dib Bukayo Saka, waxaana qaabkiisa fiican uu sabab weyn u yahay iney Liverpool hoggaanka u heyso horyaalka.
Salah, oo ku soo biiray Liverpool 2017-kii, ayaa ka dhaliyay in ka badan 200 gool. Hase yeeshee, qandaraaskiisa waxa uu ku egyahay dhammaadka xilli ciyaareedkan, taas oo la micno ah in uu xor u yahay inuu la hadlo kooxaha ka baxsan England si uu heshiis ula gaaro inuu si bilaash ah ugu dhaqaaqo xagaaga soo socda marka suuqa kala iibsiga furmo Janaayo 1.
Johnson ayaa yiri:
“Hadallada Salah ee la shaaciyay waxay noqon karaan tallaabo uu ku cadaadinayo maamulka si ay heshiis cusub u siiyaan. Waa ciyaaryahan weyn, wuxuuna si cad u muujinayaa inuu doonayo inuu halkaas sii joogo.”
Liverpool, oo ah hoggaamiyayaasha horyaalka xilli ciyaareedkan, ayaa laga yaabaa inay go’aan adag ka qaadato mustaqbalka Salah marka uu suuqa furmo bisha Janaayo, iyadoo taageerayaashu rajeynayaan in kooxda ay qanciso halyeygooda.