Kadib guushii ciriiriga ahayd ee 3-2 ay Real Madrid ka gaartay Manchester City lugtii hore ee wareegga bug-baxa Champions League, kooxda reer Spain ayaa isku diyaarinaysa kulan kale oo adag oo ay toddobaadkan la ciyaari doonaan kooxda difaacaneysa horyaalka Premier League ee Manchester City.
Inkasta oo Real Madrid ay badbaaday kulankii hore xitaa iyagoo dhibaato dhanka daafaca ah qabay, haddana lugta labaad waxay noqon doontaa mid aad uga adag, maadaama Man City ay dadaal walba gelin doonto si ay ugu soo baxdo wareegga xiga ee tartanka.
Taas darteed, Real Madrid waxay rajeynaysaa in Antonio Rüdiger uu dib ugu soo laabto safka hore, si tababare Carlo Ancelotti aysan mar kale khasab ugu noqon inuu isticmaalo daafacyo aan isku dhafneyn.
Warbixin cusub oo ka timid MARCA ayaa tilmaamaysa in Real Madrid ay diyaar u tahay inay Rüdiger kusoo bilowdo haddii uu si buuxda taam ugu noqdo kulankaas.
Arrintan waxay timid kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Real Madrid ay heli karto saddex ciyaaryahan oo dhaawac uga soo laabanaya kahor kulanka Man City.
David Alaba ayaa horey loogu arkay tababarka isagoo la shaqeynaya kooxda inteeda kale, balse wali lama hubo haddii Rüdiger uu taam buuxa noqon doono kulanka toddobaadkan.