Tababaraha kooxda Chelsea Enzo Maresca oo warbaahinta la hadlay kulankii xalay kooxdiisu guusha kaga gaadhay kooxda Gent ayaa shaaciyay in aysan kooxdiisu weli diyaar u ahayn heer ay la tartami karayso kooxaha ku dagaalamaya horyaalka Ingiriiska ee Man City iyo Arsenal.
Maresca ayaa yidhi” run ahaantii uma malaynayo inaanu la tartami karayno Man City ama Arsenal”
“Xaqiiqidii uma malaynayo inaanu la tartami karayno waayo uma diyaarsanin, sababtu waa in Man City ay la shaqaynaysay tababare Pep Guardiola 9 sano, sidoo kale Arteta uu Arsenal la shaqaynayey 5 sano, hadii aad u baahantahay inaad ku guulaysato koobab waaweyn, waxad u baahantahay wakhti.”
Tababarahan reer Talyaani ayaa bilaabasho fiican ku bilowday waayihiisa tababarenimo ee kooxda Chelsea, isagoo guulo gaadhay 7 ka mid ah 10 kulan, kooxdiisuna dhalisay goolal gaadhaya 27 gool, kala sareynta horyaalkana kaga jira kaalinta 4aad isaga oo keliya 2 dhibcood ka hooseya kooxda hogaanka heysa ee Liverpool.