Maamulka Premier League ayaa xaqiijiyay sababtii goolkii uu dhaliya William Saliba ee barbaraha siiyay Arsenal kulankii Fulham loogu bahaday VAR.
Fulham ayaa xili hore hogaanka u qabatay Arsenal oo marti ku aheyd garoonka Craven Cottage, weerarkoodii ugu horeeyay ee ciyaarta Raul Jimenez ayaa kubad qurux badan dhaafiyay goolhaye David Raya.
Laakiin kooxda Mikel Arteta ayaa dib u soo laabatay ka dib markii Kai Havertz uu madax ku baasay koornadii Declan Rice, waxaana lugtiisa ku dhameystiray Saliba oo ciyaarta ka dhigay barbaro.
Waxaa galbeedka London ka dhacday baaritaan dheer oo VAR ah, inkastoo markii hore offside laga eegay kubada, xiddiga reer France ayaa loo xukumay goolkaas baritaan kadib.
Bayaan hadda la soo saaray si loo xaqiijiyo dhacdadaii VAR ayaa lagu yiri ” garsooraha waxaa loo sheegay in la hubinayo goolka, waxaa la xaqiijiyay in Saliba uu ku jiray garab dhaaf ama uu taagnaa meel banaan,” barta rasmiga ah ee Premier League ayaa lagu yiri sidaas.
Arsenal ayaa barbaro 1-1 ah la gashay kooxda Fulham kulankii katirsanaa ciyaaraja 15 ee horyaalka Premier League, iyagoo haatan soo fariistay kaalinta labaad ee kala sareynta.