Wuxuu sheegay in warbaahinta ay aad u buunbuunisay arrinta, isagoo xusay inay iska fahmayaan oo ay wax ka baranayaan midba midka kale, isla markaana ay aaminsan yihiin mustaqbalka fog ee kooxda.
Isagoo la hadlayay Bloomberg, Boehly wuxuu sheegay in milkiilayaasha Chelsea ay isku aragti ka yihiin mustaqbalka kooxda, islamarkaana ay ku faraxsan yihiin sida wax u socdaan ilaa iyo hadda.
Wuxuu yiri:
“Wixii warbaahintu qortay ma ahan wax run ah. Waxaa nahay isku fikir oo waxaan isku dayeynaa inaan wax dhisno. Xaaladda hadda jirta waa mid wanaagsan.”
“Waxaan wax ka baranaa midba midka kale. Waa in aan ka fikirnaa waxa aan rabno inaan gaadhno mustaqbalka fog.”
“Wax walba waan xallin karnaa. Haddii aad eegto horumarka kooxda, isku fikir ayaa nahay marka ay imaato waxa aan rabno inaan dhisno.”
“Kooxda waa mid da’yar, ciyaartoydu waxay haystaan qandaraasyo dheer. Wax kasta oo aan sameynay waxay ku timid isfahamkeenna.”
“Waxaan hirgelinay qorshe Chelsea gaarsiin doona halka ay mudan tahay. Hadda waxaan ku jirnaa afarta sare ee horyaalka,” ayuu yiri.
Chelsea waxay mar labaad ku jirtay kaalinta labaad ee Premier League xilli-ciyaareedkan, balse haatan waxay hoos ugu dhacday kaalinta afraad, iyadoo labo dhibcood ka dambeysay Liverpool horraantii December.
Kooxdu waxay leedahay 49 dhibcood 29 kulan ka dib, hal dhibic ayay ka sareysaa Manchester City oo ku jirta kaalinta shanaad, taasoo cadaadis weyn saaraysa Chelsea tartanka afarta sare.