Tababaraha kooxda kubadda cagta Arsenal ee Mikel Arteta ayaa kooxdiisa ka dhax helay ciyaartoy uu ka dhigayo beddelka Bukayo Saka oo uu kasoo dallacsiiyey da’yarta, kaas oo uu kusoo darsaday liiska xiddigaha uu kala hor tegayo West Ham United.
Gunners oo dib ugu soo laabatay tartanka horyaalka Premier League ee kaalinta koowaad markii ay 3-1 ku garaaceen Liverpool toddobaadkii hore, ayaa waxa ay laba dhibcood u jirtaa Reds oo hoggaanka haysa, taas oo haddii laga badiyo ay hal dhibic dhaafi doonaan.
Tababare Mikel Arteta oo ogsoon in uu u baahan yahay in uu kordhiyo tirada ciyaartoydiisa, ayaa waxa uu kooxda koowaad usoo dallacsiiyey Amario Cozier-Duberry oo uu ku ballamiyey Jorginho iyo ciyaartoyda kale ee khibradda leh, si uu diyaar ugu noqdo maskax ahaan, farsamo ahaan iyo khibrad ahaanba.
Amario Cozier-Duberry oo wacdaro ka dhigayo kooxda da’yarta ee Arsenal ee uu tababaraha u yahay Jack Wilshere ayaa waxa uu soo jiitay tababare Mikel Arteta oo isaga oo warbaahinta la hadlaya yidhi: “Waxa uu isoo xasuusiayaa Bukayo Saka, waxa uu ka ciyaaraa booskiisa laakiin waxa uu u baahan yahay inuu sare u qaado go’aan qaadashadiisa.